Madaxa wasiirrada dalka Musalia Mudavadi ayaa kulan labo geesood ah la qaatay madaxweynaha wadanka Angola Joāo Manuel Gonçalves Lourenço.
Labada mas’uul ayaa ku kulmay shir heerkiisu sarreeyay oo ka qabsoomay caasimadda dalkaasi ee Luanda kaasoo looga hadlayay xal u helidda amni darrada Congo.
Wada hadallada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta danaha ka dhexeya dowladaha Kenya iyo Angola gaar ahaan ganacsiga dhanka beeraha, shidaalka, macdanta , dalxiiska iyo kheyraadka badda.
Mudavadi ayaa xusay in isaga iyo hoggaamiyaha Angola ay sidoo kale ka wada hadleen kaalinta muhiimka ah ee ay labadan dowladood ka qaataan arrimaha nabadgalyada iyo xasiloonida qaaradda Afrika.
Waxaa Musalia Mudavadi wada hadallada ku wehelinayay xoghayaha waaxda arrimaha baarlamaanka Aurelia Rono , madaxa safaaradda Kenya ay ku leedahay dalka Angola Andrew Mujivane iyo Samuel Karanja oo ah la taliyaha gaarka ah ee xafiiska madaxa wasiirrada dalka.
Musalia Mudavadi ayaa kulanka ka dhacay Angola ku matalayay madaxweynaha dalka William Ruto.
This evening I held bilateral talks with the President of the Republic of Angola H.E. Joāo Manuel Gonçalves Lourenço at the sidelines of the high-level summit on DRC peace initiative in Luanda, Angola. I had represented H.E. @WilliamsRuto at the Summit.
Our talks centred on… pic.twitter.com/RLQD6bFckm
— Musalia W Mudavadi (@MusaliaMudavadi) June 3, 2023




