Waxaa uu qorshuhu yahay in dib loo billaabo duullimaadyada tooska ah ee u dhexeya waddamada Kenya iyo Angola .
Duullimaadyadan ayaa isku xiri doono caasimadaha dalalkan ee Nairobi iyo Luanda waxaana looga gol-leeyahay in sare loogu qaado arrimaha ganacsiga.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in afartii sano ee ugu dambeeyay uu kobcay ganacsiga Kenya iyo Angola.
Hasa ahaate waxaa uu xusay in loo baahan yahay in la qaado tallaabooyin dheeraad ah oo looga wada faa’iidaysanaya fursadaha jira.



