Dowladda Kenya iyo madasha qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha ganacsiga iyo horumarka ee (UNCTAD) ayaa iska kaashan doono u ololeynta ganacsiga iyo horumarka caalamiga ah.
Waxaa heshiiskan gaaray madaxweynaha dalka William Ruto iyo Xoghayaha Guud ee UNCTAD Rebeca Grynspan.
Madaxweynaha dalka iyo Xoghayaha Guud ee UNCTAD ayaa ku wada hadlay magaalada Geneva ee wadanka Switzerland oo ay ku kulmeen.
Labada masβuul ayaa isla qaatay in tani ay tahay waddada ku habboon in loo maro kobcinta dhaqaalaha dunida.
Sidoo kale waxay sheegeen in loo baahan yahay in isdhexgal loo sameeyo oo sare loo soo qaado waddamada uu dhaqaalahoodu soo kobcaya.
Xoghayaha Guud ee UNCTAD ayaa sheegtay inay bisha Siddeedaad ee sanadkan ay magaalada Nairobi ku soo bandhigi doonaan warbixintooda ku saabsan qaaradda Afrika.
Warbixinta ayaa lagu eegi doonaa heerka ay Kenya uga jirto dhanka ganacsiga casriga ah.
πππππ πππ ππππππ ππ ππππππππ ππππππ πππππ
Kenya and the UN Conference on Trade and Development (UNCTAD) will work together to champion matters on global trade and development.
President @WilliamsRuto and @UNCTAD Secretary-General Rebeca⦠pic.twitter.com/j7L0JqNWb3
— State House Kenya (@StateHouseKenya) June 15, 2023