Kenya Airways oo macaashkeeda ku sheegtay 513 milyan oo shilin

0
559

Shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways ayaa sheegtay in marka laga bixiyo canshuurta ay gudbisay in 6-dii bilood ee ugu horreeyay sanadkan uu soo galay macaash dhan 513 milyan oo shilin markii ugu horreysay muddo Toban sano ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee shirkadda Kenya Airways Allan Kilavuka.
Waxaa uu xusay in kororka dhaqaale ee ay diiwaangeliyeen uu yahay 102 boqolkiiba.
Sanadkii hore ayay ahayd markii shirkadda qaran ee duullimaadka ay sheegtay inuu soo gaaray khasaare hantiyeed oo gaaraya 21.7 bilyan oo shilin.
Allan Kilavuka ayaa macaashka shirkadda ee kordhay u aaneeyay saameynta isbeddelka sarrifka lacagaha qalaad oo yaraatay iyo dowladda oo dib u habeyn ku sameysay amaahdeeda.