Shirkadda qaran ee duullimaadka ee Kenya Airways ayaa shaacisay in berri oo Arbaco ah diyaaradaheeda ay dib u billaabi doonaan safarradii ay ku tagayeen dalka DRC.
Tani ayaa timid ka dib markii la soo siidaayay shaqaalaha shirkadda oo lagu xiray magaalada Kinshasa ee wadankaasi.
Waxaa arrinkan xaqiijiyay xoghayaha wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Korir Sing’oei.
Shaqaalaha shirkadda Kenya Airways ayaa muddo labo toddobaad ah u xirnaa qaybta sirdoonka militariga jamhuuriyadda dimuqraadiga Congo ee DRC.
Xoghayaha arrimaha dibadda ayaa laga soo xigtay in Lydia Mbotela la soo siidaayay ka dib wada xaajoodyo dhacay.
Waxaa uu u mahadceliyay mas’uuliyiinta safaaradda Kenya ee Congo oo ku dadaalay in Lydia ay xurriyadeeda dib u hesho.
Dabayaaqadii bishii Afaraad ee sanadkan ayay ahayd markii madaxa fulinta ee shirkadda duullimaadka ee Kenya Airways Allan Kilavuka uu xaqiijiyay in shaqaale looga xiray wadankaasi taasi oo keentay in ay hakiyaan howlahooda Congo.
Bayaanka shirkadda waxaa ku cad in la soo siidaayay labo howlwadeeno oo la xiray 19-kii bishii hore kuwaasi oo aan wax qalad ah sameyn.