Kenya: 11 ka mid ah musharrixiinta dooneysay inay u tartamaan xilka madaxtinimo oo laga reebay

0
569

11 ka mid ah musharrixiinta u taaganeyd xilka madaxtinimo ee dalka ayaa laga hor reebay inay ka qayb galaan doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan , ka dib markii ay ku guuldareysteen inay soo bandhigaan ku xigeenadooda xilligii loo qabtay.
Waxaa arrintaan maanta shaaca ka qaaday guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC Wafula Chebukati.
Waxaa uu sheegay in musharrixiinta laga hor istaagay inay ka qayb galaan doorashada guud ee soo socota ay ku guuldareysteen in ay soo magacaabaan ku xigeenadooda ka hor 16-kii bishan May.
Guddiga IEBC ayaa horraan sheegay in tirada musharraxiinta madaxweyne ee doorashada guud ee bisha Siddeedaad ee sanadkan ay tahay 55, balse haatan 44 musharrax loo fasaxay inay tartamaan.