KeNHA oo dib u furtay waddada wayn ee Nakuru-Eldoret

0
691

Maamulka qaran ee qaabilsan dhisidda waddooyinka waawayn ee KeNHA ayaa dib u furay waddada wayn ee xiriirisa ismaamulka Nakuru iyo magaalada Eldoret ee dowlad deegaanka Uasin Gishu.
Waddadaasi oo ah (A8) ayaa la furay ka dib dayactir lagu sameeyay god shalay saameeyay howlaha gaadiidka.
KeNHA ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in isku socodka gaadiidka ee qaybtaasi oo u dhow wareegga Eveready Roundabout uu hadda sidii caadiga ahayd ku soo laabtay .
Maamulka ayaa gaadiidleyda u xaqiijiyay in waddadaasi ay hadda si nabad ah u adeegsan karaan.