Hay’adda Qaran Waddooyinka dalka ee (KeNHA) ayaa ku dhawaaqday in siddeed saacadood ay hakad gelli doonto isu socodka gaadiidka ee waddada weyn ee Mombasa oo dhici doonta dhammaadka toddobaadka soo socda.
Bayaan ay subaxnimadii hore ee saaka ay KeNHA soo saartay ayaa lagu sheegay in carqaladaynta ay dhici doonto inta u dhaxaysa 10pm fiidnimo ee Sabtida 26-ka April iyo 6 subaxnimo ee Axadda 27-ka April.
Gaadiidleyda ku sii jeeda Nairobi ayaa la filayaa in ay saameyn ku yeelato hakadkan, kaas oo loo qorsheeyay in lagu rakibo alwaaxyada tiirarka u ah waddada dadweynaha lugaynaayo.
Sida ku cad khariidadda ay bixisay KeNHA, darawallada u socda caasimadda ayaa loogu baaqay inay maraan waddooyinka la tilmaamay si ay uga fogaadaan carqaladaynta.
Tani ayaa ah markii labaad muddo 10 cisho gudaheeda ah oo ay KeNHA xiritaan ku sameyneyso waddada weyn ee xiriirisa labada magaalo ee ugu weyn dalka.