KEMSA oo shaacisay deymaha ay ismaamullada ku leedahay

0
201

Maamulka qaabilsan soo iibinta iyo qaybinta agabka caafimaadka ee KEMSA ayaa shaaca ka qaaday inuu deymaha ugu badan ku leeyahay ismaamullada Nairobi iyo Homa Bay .
Madaxa fulinta ee KEMSA Dr. Andrew Mulwa ayaa sheegay in 8 ka mid ah dowlad deegaannada dalka aynan bixin lacago lagu yeeshay maadaama lagu wareejiyay agab caafimaad.
Ismaamulladan ayaan ka faa’iidaysan muddo 45 cishe ah oo ay KEMSA u qabatay.
Maamulkan ayaa lacagta uga maqan ismaamulka Nairobi ku sheegay 243 milyan oo shilin waxaana soo raacda Homa Bay oo lagu leeyahay 104 milyan.
Dowlad deegaannada kale ayaa ah Busia (82 milyan), Nakuru (53 milyan), Trans Nzoia (49 milyan), Kisumu (35 milyan), Mombasa (13.6 milyan), iyo Nyamira (9 milyan).
Dr. Mulwa ayaa hoosta ka xarriiqay inay hoggaamiyaasha dowlad deegaannadan kala hadlayaan sidii ay deymahan ku bixin lahayeen.