Waaxda tayadhowrka badeecooyinka ee dalka ee KEBS ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in laga billaabo 1-da bisha Koowaad ee sanadka 2024-ta aan gudaha Kenya la soo gelin karin baabuur celis oo la diiwaangeliyay 2016-kii iyo wixii ka horreeyay.
Marka xilligaasi la gaaro , waxaa keliya dibadda Kenya laga soo dejin karaa baabuurta la soo isticmaalay ee celiska ah ee la diiwaangeliyay laga soo billaabo 1-dii Jannaayo ee 2017-kii.
Shirkadaha baabuurta dibadda ka keena ayaa lagu amray inay arrinkan u hoggaansamaan.