Ciidamada Difaaca Kenya (KDF) ayaa ku dhawaaqay in la bilaabi doono qorista ciidamada difaaca ee dalka oo dhan oo la qorsheeyay in la qabto bisha Oktoobar sanadkan 2025 kaas oo lagu beegsanayo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ogeysiis ay soo saareen ciidamada KDF waxay ku sheegtay in shaqaalaysiinta ay dabooli doonto baahiyaha loo qabto ciidamo dheeraad ah oo dalka difaaca.
“Ciidanka Difaaca Kenya (KDF) waxa ay ku faraxsan yihiin in ay dadweynaha u sheegaan qoritaanka Sarkaalka Adeegga Guud iyo ciidamdo dheeraad ah.
KDF waxay ku nuuxnuuxsatay in layligani yahay mid bilaash ah oo u furan dhammaan musharixiinta xaqa u leh iyo kuwa u qalma.
Marka loo eego KDF, shuruudaha tacliimeed ee ugu yar waxaa ka mid ah celceliska darajada B (Plain) ee KCSE oo leh C+ oo ah Ingiriisi, Xisaab, iyo hal maaddo oo saynis ah .