Karua:Musharraxiinta ha ku tartamaan afkaar, yaan aflagaado la adeegsan

0
454

Ku xigeenka musharraxa madaxweyne ee Azimio Martha Karua oo matalaysay Raila Odinga ayaa sheegtay in Kenya ay codeynta nabad ah ka dhici doonto oo talada lagula kala wareegaya si dhib la’aan ah.
Martha Karua ayaa siyaasiyiinta ka codsatay inay hadaladooda aad uga fiirsadaan marka ay ololeynayaan.
Waxay soo jeedisay in afkaar lagu tartamo oo aan la is aflagaadeyn.
Sidoo kale waxay ku baaqday in la dejiyo xiisadda siyaasadeed oo taasi beddelkeeda isdhexgal la sameeyo.
Madaxa cadaaladda dalka Martha Koome oo dhankeeda ku duceysay in doorashada ay noqoto mid nabad ah ayaa shacabka ku boorrisay inay xoojiyaan midnimadooda oo aynan codeyn siyaasadeed ku kala qaybsamin.