KANU oo Gideon Moi u oggolaaday inuu la gorgortamo Azimio

0
576

Mas’uuliyiinta xisbiga KANU ayaa hoggaamiyahooda sidoo kalena ah senatarka ismaamulka Baringo Gideon Moi u oggolaaday inuu wada xaajood la sameeyo garabka siyaasadeed ee Azimio ee uu hoggaamiyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday xoghayaha guud ee xisbiga KANU Nick Salat .
Tani ayaa timid ka dib kulan uu yeeshay golaha qaran ee fulinta ee KANU.
Mr. Salat ayaa hoosta ka xarriiqay in wada hadallada loo fasaxay Gideon Moi la doonayo inay noqdaan kuwo qaabeysan oo ay labada dhinac dani ugu jirto.
Mr. Moi ayaa hadda iskaashi siyaasadeed waxaa uu kala dhexeya oo ay isbeheysiga OKA ka wada tirsan yihiin Kalonzo Musyoka, Martha Karua iyo Cyrus Jirongo.