Kanja oo shaqa joojin ku sameyay dhammaan sarakiishii heeganka ku jiray habeenkii dhimashada Albert Ojwang

0
524

Taliyaha guud ee booliiska dalka Douglas Kanja ayaa amar ku bixiyay in si deg deg ah shaqada looga joojiyo askar badan oo ku xirnaa saldhigga dhexe ee booliiska ee Nairobi ka dib dhimashada muranka dhalisay ee 26 jirka lagu magacaabo Albert Omondi Ojwang ka soo kujiray gacanta booliiska xilliga uu dhimanaayay.
Saraakiisha shaqada laga joojiyay ayaa waxaa ka mid ah Taliyaha booliiska ee saldhigga dhexe, Askarigii heeganka ku jiray habeenkii uu falka dhacay, dhammaan askartii habeenkaas ku sugnaa xafiiska warbixinta iyo sidoo kale askari kasta oo lagu helo in uu ku lug lahaa dhacdadaasi.
Bayaan ay soo saartay Isniinta maanta ah ayaa NPS waxaa ay ku sheegtay in go’aanka loo qaatay si loogu oggolaado baaritaan dhammaystiran, dhexdhexaad ah oo degdeg ah oo ay sameyso Hay’adda madaxa banaan ee kormeerka booliiska (IPOA).
Dhimashada Omondi ayaa waxaa ay dhalisay walaac baahsan iyo baaqyo cadaalad ah.