Kanja oo diiday inuu ka hadlo waqtiga loo cayimay baaritaanada dilka qareen Mbobu

0
406

Taliyaha Guud ee Booliiska Douglas Kanja ayaa diiday in uu ka hadlo waqtiga cayiman ee baaritaanada dilkii dhawaan loo geystay qareen Kyalo Mbobu, isaga oo sheegay in dambi baarayaasha ay u baahan yihiin nafaas iyo waqti si ay howshooda u dhammaystiraan.
Isagoo ka hadlayay barnaamijka Monday Report ee Talefishinka maxalliga ee Citizen ayuu Kanja waxaa uu sheegay in Waaxda Dambi Baarista ee (DCI) ay kiiskan u xilsareen saraakiil howlkar ah, balse waxaa uu ka digay in la dedejiyo baaritaanada.
Markii lagu cadaadiyay inay muujiyo inta ay qaadanayso ka hor inta aan natiijada la shaacin, Kanja ayaa waxaa uu sheegay inay tahay xilli hore oo aan lagu degdegi karin gabagabada kiiska.
Taliyaha booliiska ayaa intaa ku daray in isla xisaabtanka uu daba socon doono marka tuhmanayaasha la soo bandhigo lana soo qabto.
Mbobu, oo ahaa qareen caan ah horayna u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda khilaafaadka xisbiyada siyaasadda, ayaa lagu dilay gaari uu watay fiidnimadii Talaadadii lasoo dhaafay, xilli uu marayey waddada Magadi ee xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.