Kanini Kega oo ka mid ah siyaasiyiinta xisbiga Jubilee sidoo kalena ka tirsan golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA ayaa maanta sheegay inay si buuxda u aqoonsan yihiin madaxtinnimada William Ruto.
Tani ayaa imaanaysa maalmo ka dib markii madaxa isbeheysiga Azimio oo uu xisbiga Jubilee xubin ka yahay Raila Odinga uu sheegay in ka isbeheysi ahaan aynan aqoonsanayn madaxtinnimada William Ruto iyo sharciyadda ay ku shaqeynayaan xubnaha maamulkiisa.