Dr. Kamau Thugge ayaa loo magacaabay madaxa bangiga dhexe ee dalka ee (CBK) wuxuuna xilkan hayn doonaa muddo afar sano ah.
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magacaabidda Thugge ku shaaciyay wargeyska rasmiga ee dowladda.
6-dii bishan ayay ahayd markii guddiga baarlamaanka ee arrimaha maaliyadda iyo qorsheynta uu golaha qaran ee xeer dejinta u soo jeediyay inuu ansixiyo magaca Kamau Thugge ka dib turxaan bixin lagu sameeyay.
15-kii bishii hore ee May ayay ahayd markii hoggaamiyaha dalka uu Thugge u soo magacaabay madaxa bangiga CBK maadaama uu howlgab noqonaya Dr. Patrick Njoroge oo xilkan hayay tan iyo bishii 6-aad ee sanadkii 2015-kii.