Musharraxii madaxweyne ee xisbiga Dimuqraadiga ee Maraykanka Kamala Harris ayaa qiratay in musharraxii xisbiga Jamhuuriga Donald Trump uu uga adkaaday loollanka madaxtinnimo.
Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ayaa ballan qaadday in ay si nabad ah ku wareejin doonaan hoggaanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo lagu wado in madaxweynaha Maraykanka ee xilka ka degaya Joe Biden uu maanta khudbad jeediyo.
Kamala ayaa khudbadeeda ku sheegtay in mabaadi’ida dastuuriga ee Maraykanka ay ka mid tahay in aan muran la gelin oo lagu qanco natiijada doorashada.