Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa tilmaamay suurtagalnimada ah inay dib u midoobaan saaxiibkiisi muddada dheer ahna madaxa xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangula ka hor doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Labada mas’uul ayaa horraan ka wada tirsanaa isbeheysiga OKA ka hor intaa uusan senetarka dowlad deegaanka Bungoma uunaan la midoobin ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto.
Kalonzo ayaa sheegay in xiriirkii uu la lahaa senetarka ismaamulka Bungoma Moses Wetangula uunan wali waxba iska beddelin, islamarkaana kenyaanka aynan lama filaan ku noqon haddii uu ka soo saaro Kenya Kwanza oo uu u soo weeciyo dhanka isbeheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo ra’iisul wasaarihii hore ee dalka Raila Odinga.
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka oo wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa daaha ka qaaday inay aad isugu dhow yihiin hoggaamiyaha xisbiga Ford-Kenya Moses Wetangula islamarkaana uu tabay.
Kalonzo ayaa ka codsaday Moses Wetangula in dib u eegiis uu ku sameeyo go’aankii uu ugu biiray isbeheysiga dhawaan la aas-aasay ee Kenya Kwanza .
Waxaa uu xusay inuusan helin fursad uu kula kulmo senetarka ismaamulka Bungoma, si uu ugala hadlo arrintan.
Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa dhanka kale sheegay in garabka siyaasadeed ee madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ay isku dayeen inay Wetangula u adeegsadaan waddo ay isaga ugu soo jiidaan isbeheysiga Kenya Kwanza ka hor inta uusan mar kale taageero u muujin Raila.
Toddoobaadkii hore ayay ahayd markii Kalonzo Musyoka uu heshiis siyaasadeed la galay isbeheysiga hiigsiga mideynta ee Azimio La Umoja, islamarkaana uu markii saddexaad xilka madaxtinimo ku taageeray hoggaamiya xisbiga ODM ahna musharraxa madaxweyne ee isbeheysigan Raila Odinga.