Kalonzo Musyoka oo u jawaabay Raila Odinga

0
508

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ka jawaabay hadal dhawaan ka soo yeeray dhigiisa ODM Raila Odinga.
Mr. Odinga ayaa sheegay in xilliga doorashada guud ee sanadka 2022-ka uunan soo dhisi doonin saaxiibadii ay ka wada tirsanayeen isbeheysigii NASA.
Hasa ahaate Mr. Musyoka ayaa sheegay in uunan taageero siyaasadeed uga baahneyn Odinga.
Raila ayaa go’aanka uu qaatay ku saleeyay in Kalonzo Musyoka , Musalia Mudavadi iyo Moses Wetangula aynan garab istaagin xilligii dhammaadkii bishii koowaad ee sanadkii 2018-kii loo dhaarinayay ‘ madaxweynaha shacabka’
Madaxa Wiper ayaa ku nuuxnuuxsaday in uunan aaminsanayn gudidda deyn siyaasadeed.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maadaama uu yahay sharci yaqaan uunan ka qayb gelin tallaabo sharci darro ah.