Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa sheegay in wada hadallada u dhexeeya isbeheysiga mucaaradka ee Azimio La Umoja-One Kenya iyo garabka dowladda ee Kenya Kwanza ee shalay ka furmay xarunta Bomas ee magaalada Nairobi laga sii wadi doono halkii lagu hakiyay kuwii hore ee baarlamaaniga ahaa.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in guddiga hadda kulamada billaabay uu eegi doono waxyaabihii horay u suurtagalay.
Wada hadalladii hore ee u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa kala hoggaaminayay xildhibaanka deegaanka Tharaka George Murugara iyo dhigiisa Rarieda Otiende Amollo.
Kooxaha kala matalaya dowladda dhexe iyo mucaaradka ee hadda dib u fadhiisanaya ayaa ku heshiiyay in wada xaajoodyada loo wajaho si ay is qadarin ku dheehan tahay oo mudnaanta koowaad lagu siinaya danta qaran.