Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa shaaca ka qaaday inuu u tartamayo xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan ka dib markii xisbigiisa uu xiriirka u jaray isbeheysiga Azimio ee uu hoggaamiyo Raila Odinga.
Mr. Musyoka ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid ka dib wadatashiyo uu la sameeyay madaxda ugu sarreysa ee xisbiga uu hoggaamiye ee Wiper.
Go’aanka madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka ayaa imaanaya daqiiqado ka dib markii musharraxa madaxweynaha ee isbeheysiga Azimio Raila Odinga uu wasiirkii hore ee arrimaha dastuurka dalka Martha Karua u soo xushay inay ku xigeen u noqoto.
Waxaa horraan la hadal hayay in madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka loo magacaabi doono ku xigeenka Raila Odinga taasoo aan maanta dhicin.
Hasa ahaate Raila Odinga ayaa u ballanqaaday Kalonzo Musyoka inuu noqon doono madaxa wasiirrada, haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimo ee doorashada guud ee 9-ka bisha Siddeedaad ee sanadkan.
Kalonza Musyoka ayaa sidoo kale maanta ka maqnaa xarunta shirarka caalamiga KICC ee magaalada Nairobi ahna goobta uu Raila go’aankiisa ku shaaciyay.
Dhanka kale madaxa xisbiga Wiper ayaa ku xigeen uu soo xushay Andrew Leteipa Ole Sunkuli oo ah siyaasi ka soo jeeda ismaamulka Narok.
Xilli uu maanta warbaahinta la hadlay ayuu Kalonzo Musyoka sheegay inuu go’aan kale qaatay ka dib markii sida uu aaminsan yahay lagu gacan bidixeeyay hoggaanka isbeheysiga Azimio oo uu rajeynayay in Raila uu ku xigeenkiisa u soo xusho.
“Walaalkeey Raila waa uu ka war qabaa in aan ku xigeen magacaabaya, Guriga ayuu iigu yimid wuxuuna iskudayay inuu iqanciyo si aan u oggolaado go’aankiisa, Ma aanan ku heshiin wuxuuna ii sheegay inuu xulanaya Martha Karua anigana aan ku xigeenkeyga magacaabaya” ayuu yiri Musyoka.