Kalonzo Musyoka oo dhaliilay doorka nabadsugidda Kenya ee dalka Haiti

0
483

Madaxa xisbiga Wiper Patriotic Front (WPF) Kalonzo Musyoka ayaa mar kale madaxweynaha dalka William Ruto ku dhaliilay doorka ay ciidamada Kenya ka qaadanayaan howlgalka nabadsugidda ee waddanka Haiti.
Waxaa uu sheegay in markii horeba ay qalad ahayd in saraakiisha halkaasi la geeyo.
Musyoka oo xalay wareysi gaar ah siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen ayaa madaxweyne Ruto ku dhalleeceeyay inuu kal-fadhiga 80-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay kaga hadlay gaabadka dhaqaale ee uu wajahaya howlgalka Haiti.
Waxaa uu intaasi ku daray in howlgalka ay u badan tahay inuunan guulaysan iyadoo aan taageero laga haysan caalamka.
Sidoo kale waxaa uu dowladda ku eedeeyay in ay dafirtay sarreynta sharciga oo ay ciidamo gaysay Haiti in kastoo uu jiray amar maxkamadeed oo qorshahaasi ka dhan ah.