Madaxa xisbiga Wiper kana mid ah hoggaamiyaasha sare ee isbeheysiga mucaaradka ee Azimio , Kalonzo Musyoka ayaa madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua ku dhaliilay inuu goob fagaare ah ka sheegay magaca garsoore Esther Maina oo uu wacad ku maray inuu dacwad ka gudbin doono.
Musyoka oo warbaahinta la hadlay ka dib kulan uu yeeshay xisbiga Wiper ayaa Gachagua ku eedeyay inuu u dhaqmay si anshaxa ka baxsan oo aan la qaadan karin.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay saameyn aan wanaagsanayn ku yeelan karto xiriirka ka dhexeya golaha fulinta ee dowladda iyo waaxda garsoorka.
Kalonzo Musyoka ayaa sheegay inuu sugaya in madaxa cadaaladda ee wadanka garsoore Martha Koome ay qaabili doonto Rigathi Gachagua iyo in kale.
Madaxa Wiper ayaa xusay in hadda ay jiraan dhacdooyin aan la qaadan karin sidaasi awgeedna uu ku baaqaya in faraha lagala baxo arrimaha waaxda cadaaladda.