Kalonzo Musyoka oo cambaareeyay xarigga Boniface Mwangi

0
247

Madaxa xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay inuu si kulul u cambaareynaya xarigga loo gaystay Boniface Mwangi oo ka mid ah shakhsiyaadka u ololeeya xuquuqul aadanaha.
Waxaa uu ku tilmaamay qof geesi ah oo u ololeeya runta iyo cadaaladda.
Kalonzo ayaa xusay inuu kooxdiisa qareennada ah faray in ay sameeyaan wax kasta si loo xaqiijiyo in Boniface Mwangi loo siidaayo sida ugu dhaqsiyaha badan.
Waxaa uu qoraalkiisa raaciyay in uunan ku biiri doonin maamulka talada dalka haya oo uunan wax wada xaajood ah kala qayb qaadan doonin.
Boniface Mwangi oo ay waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da sheegtay in loo xiray howlo argagixiso ayaa lagu wadaa in berri maxkamadda uu ka soo hormuuqdo.