Dowladda dalka Iiraan ayaa sheegtay inay kalluumeysato u dhashay wadankeeda laga siidaayay Soomaaliya, ka dib wada xaajood iyo tallaabooyin ay qaadday Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan.
Kalluumeysatadan ayaa dhammaantood ka soo jeeda magaalada dekedda ah ee Chabahar ee koonfurta dalka Iiraan.
8-sano ka hor ayay kooxda Al-Shabaab ku qabsadeen biyaha caalamiga ah ee u dhow Soomaaliya, Inkastoo warar kale ay sheegayaan in Al-Shabaab ay kala wareegeen Burcad badeed Soomaali ah.
Kalluumeysatada ayaa ka degaya magaalada Tehran, ka dib markii ay qaadday diyaarad xalay ka duushay magaalada Muqdisho.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee Iiraan ayaa sheegtay in ay ku guulaysteen soo deynta la haystayaashii ay afduubka u haysteen kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya.
Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay inay baaritaan ku sameyneyso kalluumaysato ay Shabaab gacanta ku hayeen muddo 8 sano ah, kuwaas oo lagu qabtay aagga magaalada Xarardheere ee gobolka Mudug.
Kalluumaysatadan oo gaarayay 20 qof ayaa u kala dhashaya Iraan iyo Pakistan.
Home Wararka Soomaaliya Kalluumeysato Iiraan u dhashay oo 8 sano lagu haystay gudaha Soomaaliya oo...