Kalkaaliyeyaasha ka shaqeeya ismaamulka Kilifi ayaa si rasmi ah u bilaabay shaqo joojin ka dib markii uu dhammaaday ogeysiis 21 maalmood ah oo ay horay u siiyeen maamulka, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin cabashooyinkooda. Shaqo joojintan ayaa carqaladeysay adeegyada caafimaad ee xaruumo badan oo dowladeed, taas oo walaac gelisay dadka ku tiirsan adeegyadaas.
Ururka Qaranka Kalkaaliyeyaasha iyo Umulisooyinka dalka laantiisa Kilifi ayaa sheegtay in kalkaaliyeyaasha aysan shaqada ku laaban doonin ilaa la fuliyo dalabaadkooda. Xoghayaha laanta, Derrick Cabdallah, ayaa ku eedeeyay maamulka dowlad deegaanka Kilifi in uu ka gaabiyay hirgelinta heshiis sanadkii 2021 la gaaray oo la xiriira kordhinta mushaharka iyo hagaajinta xaaladaha shaqo ee kalkaaliyeyaasha.
Mas’uuliyiin ka tirsan ururka ayaa sidoo kale ka cawday dib u dhac ku yimid kordhin mushahar oo ay oggolaadeen Guddiga Mushaharka iyo Gunnooyinka iyo Golaha Guddoomiyeyaasha Ismaamullada ee CoG. Waxaa ay sheegeen in ismaamulo kale ay hirgeliyeen kordhintan, balse Kilifi aysan weli sameynin, arrintaas oo hoos u dhigtay niyadda shaqaalaha caafimaadka.
Ururka ayaa dalbanaya in si buuxda loo fuliyo heshiiskii 2021, in la aqoonsado saacadaha dheeraadka ah ee shaqada, in kalkaaliyeyaasha ku shaqeeya qandaraasyada ku meelgaarka ah loo beddelo shaqo joogto ah, iyo in mushaharka si waqtigiisa ah loo bixiyo. Hoggaanka ururka ayaa sheegay in shaqo joojinta ay sii socon doonto ilaa maamulka Kilifi uu ka aqbalo dalabaadkan.
Home Wararka Kenya Kalkaaliyeyaasha Kilifi oo shaqo joojin bilaabay ka dib muran ka dhashay mushahar...




