Waxaa abaare 8-da fiidnimo ee caawa shaqo joojin ku dhaqaaqaya kalkaaliyeyaasha Ingiriiska.
Howlwadeennada ayaa dalbanaya mushaar kordhin iyo wanaajinta xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid aan horay loo arag oo ay ka qayb qaadan doonaan in ka badan 100,000 oo xubnood.
Xubnaha machadka (RCN) ee England, Wales iyo Waqooyiga Ireland ayaa go’aankan qaatay ka dib markii ay diideen qorsho ay dowladda u soo bandhigtay.
Waa shaqo joojintii ugu horreysay ee ay xubnaha machadka RCN qaadaan muddo 106 sano ah.