Waxaa mar labaad shaqo joojin ku dhaqaaqay kalkaaliyeyaasha Ingiriiska .
In ka badan 100,000 oo ah xubnaha machadka kalkaalinnimada ee (RCN) ee England, Wales iyo waqooyiga Ireland ayaa maanta sameeynaya shaqo joojin ay ku sheegeen maalinkii ugu dambeysay.
Howlwadeennada oo walaac ka muujinaya sicir bararka nololeed ee jiro ayaa dalbanaya mushaar kordhin.
Khamiistii hore ayay ahayd markii ay shaqo joojin sameeyeen.
Tani ayaa ah tallaabadii ugu horreysay muddo 106 sano ah taariikhda Ingiriiska.
Suni George oo 45 sano jir ah ayaa sheegay in mushaarkiisa uunan wax wayn iska beddelin muddo 17 sano oo uu kalkaaliye ahaa.