Kalkaaliyaasha ismaamulka Meru oo ku hanjabay shaqo joojin

0
168

Kalkaaliyaasha ka howlgalo isbitaallada ismaamulka Meru ayaa wacad ku maray in laga billaabo berri ay shaqo joojin ku dhaqaaqayaan.
Tani ayaa laga cabsi qabaa inay saameyn wayn ku yeelato xarumaha caafimaadka ee Meru.
Kalkaaliyaasha oo horay u soo saaray digniin 14 cishe ah ayaa dalbanaya in la wanaajiyo xaaladaha ay ku shaqeeyaan.
Sidoo kale waxay doonayaan in dallacsiin loo sameeyo maadaama sida ay sheegayaan aan la dallacsiin muddo 10 ilaa 19 sano ah in kastoo ay kororsadeen aqoon iyo xirfad labaduba.