Kal-fadhiyada baarlamaanka oo maanta dib u furmaya

0
372

Waxaa galinka dambe ee maanta dib u billaabanaya kal-fadhiyada golaha qaran ee xeer dejinta.
Kal-fadhiga Afaraad ee baarlamaanka 13-aad ee dalka ayaa waxyaabaha u qorsheysan waxaa ka mid ah dib u dhiska iyo ansixinta xubnaha 18 guddi.
Waxaa guddiyadan ka mid ah guddiga howlaha baarlamaanka oo uu guddoomiyo Moses Wetangula.
Xildhibaannada ayaa fadhiyadooda sii wadan doono ka dib labo bilood oo ay nasasho ku maqnaayeen.
Waxay tani imaanaysa iyadoo ay maxkamadda dhawaan go’aamisay in isbeheysiga aqlabiyadda ku leh baarlamaanka uu yahay midka mucaaradka ee Azimio La Umoja.
Waxaa sidoo kale isla maanta dib u furmaya fadhiyada aqalka sare ee dalka.