Kal-fadhiyada baarlamaanka oo maanta dib u furmaya

0
191

Waxaa maanta dib u furmaya kal-fadhiyada golaha qaran ee xeer dejinta ka dib muddo bil ah oo ay mudanayaasha fasax ku jireen.
Baarlamaanka ayaa eegi doono warbixinta guddiga maaliyadda ee hindise maaliyadeedka sanadkan iyo in Nuurdiin Xaaji uu u qalmo qabashada xilka loo magacaabay ee agaasimaha guud ee waaxda sirdoonka dalka ee NIS.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa eegi doono in Kamau Thugge uu u qalmo jagada madaxa bangiga dhexe ee CBK ee uu u soo magacaabay madaxweynaha dalka William Ruto.
Baarlamaanka waxaa sidoo kale laga sugaya inuu qiimeeyo warbixinta guddiga arrimaha cadaaladda ee ay Isaac Ruto iyo Caroline Nzilani ugu biirayaan guddiga adeegga garsoorka ee JSC.
Sidoo kale baarlamaanka ayaa ka doodi doono isbeddel lagu sameeyay sharciga la dagaalanka musuqmaasuqa iyo dembiyada dhaqaale .