Howlgal laga sameeyay ismaamulka Kakamega ayaa lagu soo xiray labo ka mid ah kooxda burcadda ee la magac baxday ‘Mbogi la Izram Territory’.
Ciidamada ayaa sheegay inay sare u sii qaadayaan bartilmaameedsiga ka dhanka ah kooxaha falal dambiyeedyada ka gaysta ismaamulkaasi iyo si guud gobolka galbeedka wadanka.
Labada eedeysanayaal ee ay ciidamadu soo xireen ayaa lagu kala magacaabaa Cumar Juma oo 35 sano jir ah iyo Clinton Emonye oo ay da’diisu tahay 21 sano.
Booliiska ayaa xusay in labada qof la xiray xilli ay doonayeen inay fal dambiyeed ka gaystaan meel u dhow kaalinta shidaalka ee Julika Petrol Station ee magaalada Kakamega.
Sidoo kale waxaa la soo helay waxyaabo la rumeysan yahay in eedeysanayaasha ay soo xadeen.
Labada qof ayaa hadda ku jiro saldhigga booliiska ee Kakamega ka hor inta aan berri subax maxkamad la soo taagin.
Booliiska ayaa laga soo xigtay inay howlgalka sii ballariyeen oo ay hadda ku daba jiraan shakhsiyaad halis ku ah badqabka shacabka ku nool qaybo ka mid ah Nyanza.