Wasiirka Beeraha iyo Xoolaha dalka Mutahi Kagwe ayaa digniin adag u diray warshadaha shaaha ee lagu helo inay si sharci aan ahayn u iibinayaan caleenta cagaaran ee shaaha, isagoo sheegay in shirkaddahan oo kale ay wajahi doonaan tallaabo degdeg ah sida uu dhigayo sharciga shaaha ee 2020-ka.
Wasiirka ayaa ku nuuxnuuxsatay in aysan dowlada u dulqaadan doonin wax kasta oo wax u dhimaya daacadnimada silsiladda qiimaha shaaha ama khatar gelinaya nolosha beeralayda dadaalka badan.
Isagoo ka hadlayay shir wadatashi ah oo heerkiisu sareeyo oo ka dhacay aqalka Kilimo ee magaalada Nairobi ayuu wasiir Kagwe sheegay in wasaaradda beeraha ay tallaabo cad ka qaadi doonto warshadaha ama shaqsiyaadka ku xad gudba sharciga.