Junet Maxamad oo sheegay in cidna aysan deyn ku laheyn xisbiga ODM

0
484

Mudanaha laga soo doortay deegaanka bariga Suna ee ismaamulka Migori Junet Maxamad ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ka dhax jira isbaheysiga NASA .
Waxaa uu sheegay in cidna aysan deyn ku laheyn xisbiga ODM ee u hoggaamiyo Raila Odinga islamarkaana arrinta ku saabsan in isbahaysigii NASA oo ay ku mideysnayeen sanado ka hor hoggaamiyeeyaasha xisbiyada ODM, Wiper, ANC iyo Ford-Kenya uu dhaqaale ka dhaxeeyay.
Waxaa uu arrintaasi ku tilmaamay mid aan sal iyo raad toona laheyn .
Mr Junet ayaa carabka ku dhuftay in uu burburay isbaheysigii NASA islamarkana wakhtigiisa laga soo gudbay .
Waxaa uu dhanka kale sheegay in xisbiga ODM u diyaar u yahay inuu la shaqeeyo siyaasiinta kala duwan ee dalka .