Hoggaamiyaha xubnaha laga tira badan yahay ee Barlamaanka Qaranka Junet Maxamad, ayaa sheegay in Golaha Qaranka uu higsanayo inuu kordhiyo lacagaha dowlad qaybsiga ilaa 450 bilyan oo shillinka dalka ah, ka dib markii uu Raila Odinga ku cadaadiyay dowladda hirgelinta “ajandaha 10-ka qodob ah”.
“Ajandaha 10-ka qodob ah”, oo ah heshiis siyaasadeed oo ay saxiixeen Madaxweyne William Ruto iyo Mr. Odinga ayaa la saxiixay 7-dii bishii March ee sanadkan 2025-ka si wax looga qabto caqabadaha dhaqan dhaqaale iyo siyaasadeed ee ka jira dalka.
Isagoo ka hadlayay magaalada Mombasa intii lagu jiray dabaaldegga sannad guurada 20-aad ee ODM, Junet ayaa sheegay in miisaaniyaddii ugu dambeysay, lacagta laga kordhiyay 385 bilyan oo shilin ilaa 415 bilyan iyada oo loo marayo wadahadallo ka dhacay baarlamaanka.
Si kastaba ha ahaatee, waa muhiim in la ogaado in miisaaniyadda dowlad qaybsiga ee sannad-maaliyadeedka 2025/26 ay tahay 405.1 bilyan sida uu xaqiijiyay Wasiirka Maaliyadda John Mbadi.
Sida laga soo xigtay Junet, tallaabadan ayaa waxaa ay calaamad u ahayd hirgelinta dalabaadka Raila ee ku aaddan xoojinta dhaqaalaha dowladaha hoose iyo wareejinta kheyraad badan ee la gaarsiiyo dadka deegaanka.
Waxaa uu ku nuuxnuuxsaday in arrimo kale, oo ay ku jiraan ixtiraamka dastuurka iyo sharciga, la bilaabay in la hirgeliyo, iyadoo 50 boqolkiiba heshiiskii dhexmaray xisbiyada ODM iyo UDA horey loo dhammeeyay.
Ajandaha ayaa waxaa loo saxiixay si loo fududeeyo arrimo badan oo qaran oo ay ka mid yihiin hirgelinta warbixinta Guddiga Wadahadalka Qaranka (NADCO), kor u qaadista ka mid noqoshada iyo xoojinta dowlad qaybsiga, iyo la dagaallanka musuqmaasuqa iyo deynta qaranka.
Home Wararka Kenya Junet Maxamad: Barlamaanka Qarannka oo lacagaha dowlad qaybsiga gaarsiin doono illaa 450...




