JSC oo 100 qof ka soo xulatay shakhsiyaad doonaya inay noqdaan garsoorayaal

0
234

Guddiga adeegga waaxda cadaaladda ee dalka ee (JSC) ayaa soo saaray magacyada 100 qof oo laga soo xushay codsiyo la soo dirsaday.
Dadkan ayaa doonaya in ay ka mid noqdaan garsoorayaasha maxkamadda sare ee dalka.
Madaxa cadaaladda ee dalka ahna guddoomiyaha guddiga JSC garsoore Martha Koome ayaa sheegtay in ay 13-kii bishii Tobnaad ee sanadkii hore shaaciyeen in loo baahan yahay 20 qof.
Hasa ahaate waxaa la soo gudbiyay codsiyo gaaraya 305 oo 100 ka mid ah laga soo dhex xushay ka dib qiimeyn la sameeyay.
Guddiga adeegga garsoorka dalka ee JSC ayaa 100-ka qof turxaan bixin doono inta u dhexeysa 3-da ilaa 30-ka bisha Afaraad ee sanadkan.