Barasaabkii hore ee ismaamulka Mombasa Xasan Cali Joho ayaa madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ka dalbaday inuu xafiiska banneeyo.
Waxaa uu sheegay inuu si deggan u dhageystay hadalkii uu shalay jeediyay Gachagua sidaasi awgeedna uu dhibsaday in mas’uul jago sare haya uu adeegsan karo hadalladaasi oo kale xilli loo baahan yahay in dowladdu ay muujiso midnimadeeda.
Joho ayaa hoosta ka xarriiqay in dalka uu maraya xilli xasaasi ah sidaasi awgeedna madaxa laga doonaya in ay ku dadaalaan dib u soo celinta kalsoonida shacabka halkii ay isku eedeyn lahaayeen mas’uuliyad ka dhexeysa.
Waxaa uu xusay in madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua uu noqdo shakhsi ku dayasho mudan oo uu ugu horreyn is casilo isagoo qaadanaya mas’uuliyadii waxyaabihii dhacay halkii uu shakhsiyaad kale ka dalban lahaa in ay xafiisyada banneeyaan.
Waxaa sidoo kale dareenkooda arrinkan ku biirriyay aqoonyahaanno uu ka mid yahay garyaqaan sare AxmadNaasir Cabdullahi.
Waxaa uu sheegay in hadalka Gachagua uu ahaa mid aan loo fiirsan sidaasi awgeedna caddeynaya inuunan u qalmin xafiiska uu haya.
Prof. Makau Mutua ayaa dhankiisa sheegay in Gachagua laga dheehan karo jeedinta farriin caro iyo ka fiirsasho la’aan ku saleysan.
Hadalka madaxweyne ku xigeenka ee uu ku eedeyay NIS ayuu Mutua ku sheegay khatar ka dhan ah amniga qaran.
Aqoonyahaan Maxamad Weheliye ayaa dhankiisa xusay in madaxweyne ku xigeenka dalka uu xubin ka yahay golaha amniga qaran sidaasi awgeedna ay qalad ahayd inuu meel fagaare ah kaga hadlo gaabadka shaqo ee adeegga qaran ee sirdoonka.
Waxaa uu tilmaamay in la doonaya in laga saaro golaha NSC.