John Mbadi oo sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilka guddoomiyaha ODM

0
248

Guddoomiyaha xisbiga ODM ahna xildhibaan baarlamaanka si magacaabid ah ku galay , John Mbadi ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu xafiiska banneeyo.
Muddo sagaal sano ah ayuu Mbadi jagadan hayay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in haddii uu go’aankan qaato aynan la yaab ku noqon doonin madaxa xisbiga ODM , Raila Odinga maadaama ay horay uga wada hadleen oo ayna ka heshiiyeen.
Siyaasigan ayaa xusay in sababta keliya ee uunan weli isku casilin ay tahay inuusan jirin ku xigeen firfircoon oo beddeli karo.
Waxaa uu intaasi ku daray inuu xisbiga ODM ka qaban karo jago kale sidaas awgeedna aynan micnaheedu ahayn inuu isku dhejinaya ama ku adkeysanaya xafiiska guddoomiyaha.