John Mbadi oo ka hadlay socdaalkii madaxweyne Ruto ee gobolka Nyanza

0
231

John Mbadi oo ah xildhibaan baarlamaanka ugu biiray si magacaabid ah ayaa sheegay in socdaalkii maalmaha qaatay ee uu dhawaan madaxweynaha dalka William Ruto ku tagay gobolka Nyanza uu ahaa mid aan ku qotomin horumar.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in madaxweynaha uu sii ballaarinayay saameynta siyaasadeed ee xisbiga uu hoggaamiyo ee UDA.
Mbadi ayaa ku doodaya in mashaariicda horumarineed ee uu gobolka Nyanza ka hirgeliyay William Ruto ay qayb ka ahaayeen qorshaha maamulkii hore.
Arrintan ayuu sheegay xilli uu u warramayay telefishinka maxalliga ee Citizen.
Waxaa uu dhanka kale dowladda talada haysa ugu baaqay inay shacabka ka fududeyso culeyska canshuurta dheeraadka ah ee ay soo rogtay.