John Mbadi oo dhaleeceeyay siyaasadaynta mudaharaadka dhallinyarada Gen Z

0
353

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dalka John Mbadi ayaa si kulul u cambaareeyay qeybo ka mid ah mucaaradka oo lagu eedeeyay inay siyaasadeyeen mudaharadyadii u dambeeyay oo ay hoggaaminayeen dhallinyarada Gen Z, iyagoo waxii ku bilowday banaanbaxyo nabadeed u badalay fowdo, burbur iyo dhimasho.
Isagoo ka hadlayay kulan lacag aruurin ah oo lagu qabtay Kaniisada Magunga SDA, Mbadi ayaa ku eedeeyay siyaasiyiinta in ay dhallinyarada uga faa’ideystaan dano siyaasadeed oo gaar ah iyaga oo wax u dhimaya nabadda iyo xasiloonida qaranka.
Mbadi ayaa waxaa uu ka digay in siyaasadeenta dhaqdhaqaaqyada ay dhallinyarada hogaaminayaan ay khatar ku tahay in dalka uu gelo kala qaybsanaan qabyaaladeed taasoo qaadan karto tobonaan sano si looga soo kabto.
Waxaa uu ku booriyay hogaamiyayaasha dhinacyada siyaasadda in ay dhinac iska dhigaan danaha xisbiyada oo ay xoogga saaraan sidii loo dhisi lahaa qaran midaysan oo xasiloon halkii ay xiisadaha sii kicin lahaayeen si loo helo faa’iidooyin siyaasadeed oo gaaban.