Guddoomiyaha aasaasayaasha xisbiga UDA Joe Khalende ayaa xaqiijiyay in Xisbiga UDA uu sidiisii yahay oo uunan wax khilaaf ah ama kala qaybsanaan ka dhex jirin.
Xilli uu maanta wareysi siiyay Idaacadda Spice FM ayuu Khalende sheegay in xisbiga uu mideysan yahay balse kaliya ay jiran fikrado kala duwan, ka dib markii isbeddel lagu sameeyay hoggaanka xisbiga.
Khalende ayaa ku celceliyay in xil ka qaadistii senetarkii hore ee Kakamega ahaana xoghayaha guud ee UDA Cleophas Malala ay ka dambeysay markii uu u ololeyay danaha xisbiya kale oo siyaasadeed.
Waxa uu xusay in markii guddiga fulinta ee xisbiga ee NEC uu magacaabay Malala, loo igmaday inuu guto shaqadiisa xoghayaha guud ee xisbiga talada haya.
Golaha fulinta ee xisbiga talada haya ayaa 2-dii bishan August laalay magacaabiddii Malala ee ahaa xoghayaha guud ee ku meel gaarka ah.
Shirka golaha fulinta ayaa waxaa hoggaaminaysay guddoomiyaha xisbiga oo sido kale ah Barasaabka ismaamulka Embu Cecily Mbarire.
Arrintan ayaa daba socotay dhacdo ay taageerayaasha Cleophas Malala isla maalintaas ku galeen xafiisyada xisbiga.
Dhacdadan ayaa timid maalin uun ka dib markii koox kale oo ka mid ah xubnihii aasaasay ay ku dhawaaqeen in Malala laga saaray xafiiska kuna dhawaaqeen in Joe Khalende inuu yahay xoghayaha guud ee cusub.
Gacan ka hadal ka dib, guddoomiyaha xisbiga Cecily Mbarire ayaa sheegtay in shirka golaha fulinta xisbiga uu si faahfaahsan uga hadli doono arrintan, isla markaana go’aan laga soo saari doono tallaabooyinka ay qaadi doonaan si looga jawaabo dhacdadaas waxaana xigtay in Malala lagu beddelay senatarkii hore ee Mombasa ahna xubin ka tirsan golaha xeer dejinta ee bariga Afrika ee EALA Xasan Cumar Sarai.




