Joe Biden oo mar kale laga helay COVID-19

0
503

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa waxaa mar kale saameeyay cudurka COVID-19.
Tani ayaa timid maalmo badan ka dib markii loo oggolaaday inuu ka baxo goob u gaar ah bukaannada caabuqa corona.
Dhakhtarka madaxtooyada Maraykanka ee White House , Dr Kevin O’Connor ayaa xaqiijiyay in madaxweyne Biden mar kale laga helay cudurka.
Waxaa uu warqad ku sheegay in madaxweynuhu uunan astaamo muujin oo ay xaaladiisa caafimaad soo hagaagayso.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa sidoo kale bartiisa rasmiga ee Twitter-ka ku xaqiijiyay in lagu arkay cudurka COVID-19
Joe Biden ayaa 21-kii bishan Toddobaad laga helay cudurka balse isbuucii hore oo labo mar la baaray ayaa laga waayay caabuqa in kastoo ugu dambeyn shalay laga helay.
Waxaa uu sii wadi doonaa inuu u hoggaansamo hab-raacyada is-karantiilka ee ka dhanka ah fayraska corona.