Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa cafis madaxweyne u fidiyay kumanaan qof oo xabsi lagu xukumay ka dib markii lagu helay nooca daroogada ee xashiishka.
Madaxweynaha ayaa sheegay in tallaabada uu qaaday ay muujinaysa in aan loo baahneyn in qof uu xabsi ugu jiro keliya inuu isticmaalay xashiish.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku xusay in tani ay kumanaan qof ka hor istaagtay inay helaan fursadaha shaqo iyo kuwa waxbarasho.
Hasa ahaate waxaa uu cadeeyay in cafiska uu fidiyay ay ka faa’iidaysan karaan dadka la qabtay iyagoo daroogadan si shakhsiyeed u adeegsanaya balse aynan ahayn kuwa doonayay inay sii qaybiyaan oo ay ka ganacsadaan.




