Joe Biden oo aan xilka madaxtinnimo u tartami doonin

0
331

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa goor dhow shaaciyay inuunan bisha 11-aad ee sanadkan u tartami doonin hoggaanka ugu sarreeya ee Maraykanka.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay lagu cadaadinayay inuu loollanka madaxtinnimo iskaga haro.
Biden oo 81 sano jir ah ayaa shaaciyay inuu si buuxda u taageerayo in Kamala Harris oo hadda ah madaxweyne ku xigeenka Maraykanka ay noqoto musharraxa xisbiga dimuqraadiga ee loolanka madaxtinimo ee waddankaasi.