JD Vance: Ma fududo in hubka laga dhigo Xamaas

0
156

Madaxweyne ku xigeenka Maraykanka JD Vance ayaa sheegay in ay howl adag tahay in hubka laga dhigo ururka Xamaas ee dalka Falastiin iyo dhisidda Qaza oo nabad ah.
Tani ayaa timid ka dib markii uu Vance kulan la qaatay Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inuu Israa’iil u tagay sii wadidda dadaallada Maraykanka iyo dhexdhexaadiyaasha kale ee lagu soo afjaraya duullaanka militari ee ka socdo Qaza.
Sidoo kale , waxaa uu xusay in ay ku dadaalayaan siideynta maxaabiista iyo dib u dhiska dhulka Qaza ee la burburiyey.