Jarmalka oo weerar ku tilmaamay shidaalka uu ka jartay Ruushka

0
521

Wasiirka dhaqaalaha ee dowladda Jarmalka Robert Habeck ayaa weerar dhaqaale ku tilmaamay tallaabada ay dowladda Ruushka ku joojisay shidaalkii ay halkaasi uu iib geyn jirtay.
Bayaan uu soo saaray ayuu ku xusay in tan ay tahay weerar madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin uu ku hayo wadankaasi.
Waxaa uu xusay in tani ay tahay istaraatiijiyad uu madaxweyne Putin ku abuurayo amni darro, uu sare ugu qaadaya qiimaha shidaalka sidoo kalena uu uga gol-leeyahay kala qaybin bulsho oo arrimahan ay yihiin waxyaabaha ay la dagaallamayaan.