Jarmalka oo 25 qof u xiray qorsho afgembi

0
294

Ciidamada booliiska ee dalka Jarmalka ayaa howlgallo ay sameeyeen waxaa ay ku soo xireen 25 qof.
Dadkan ayaa ku eedeysan inay xubno ka yihiin ama taageeraan kooxda midigta fog ee la sheegay inay qorsheysay in dowladda dalkaasi afgembiso.
Waxaa sidatan sheegay dacwad oogaha Jarmalka.
Howlgallada waxaa maanta oo Arbaco ah sameeyay ilaa 3,000 oo sarkaal .
Waxaa ay bartilmaameedsadeen 130 goobood oo ku yaalla 11 gobol oo ka tirsan Jarmalka.
Waxaa ay bartilmaameedsanayeen dhaqdhaqaaqa Citizens (Reichsbuerger) movement.