Japan oo xayiraado ku soo rogtay Xamaas

0
264

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan ayaa shaacisay in dowladda dalkaasi ay cunaqabateyn saartay ururka Xamaas ee wadanka Falastiin.
Xayiraaddan ayaa saameynaysa shakhsiyaad iyo shirkad xiriir la leh ururka.
Tani ayaa imaanaysa ka dib markii toddobaadkii hore dowladda Maraykanka ay xayiraad ku soo rogtay siddeed qof oo lagu eedeyay inay taageeraan Xamaas.
Sidoo kale Maraykanka ayaa cunaqabateyn saaray saraakiisha kacaanka islaamiga ee Iiraan ee (IRGC) oo uu ku eedeyay maalgelinta iyo tababaridda xubnaha Xamaas.