Dowladda dalka Japan ayaa qorsheynaysa inay dib u soo celiso maalgelintii ay siin jirtay hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan daryeelka qaxootiga Falastiin ee UNRWA.
Tani ayaa timid ka dib markii ay kulmeen oo ay wada hadleen wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Japan Yoko Kamikawa iyo madaxa hay’adda UNRWA Philippe Lazzarini.
Wasiirka iyo madaxa hay’adda ayaa ka wada hadlay xoojinta daahfurnaanta iyo maamul wanaagga oo ay ka mid tahay adeegsiga habboon ee lacagaha deeqda ah iyo in la xaqiijiyo in shaqaalaha hay’adda ay dhexdhexaad yihiin.
Japan ayaa horay u hakisay deeqdii ay siin jirtay hay’adda ka dib markii ay Israa’iil ku eedeysay qaar ka mid ah howlwadeennada UNRWA inay ka qayb qaateen weerarkii ururka Xamaas ee 7-dii bishii Tobnaad ee sanadkii hore.
Hay’adda UNRWA oo la aasaasay sanadkii 1949,ayaa gargaar cunno , daryeel caafimaad iyo waxbarasho u fidisa 5.9 milyan oo qof oo ah qaxootiga dalka Falastiin.